SHIRIB waa ciyaar dhaqameed Soomaaliyeed oo badanaa raggu uu dheelo; lana tumo iyadoo warmo iyo gaashaammo la qurxiyey la sito. Waxay ka mid tahay ciyaaraha shirarka waaweyn lagu soo bandhigo, waxaana la shirbaa iyadoo la taagan yahay ama la socdo.
Erayga shirib wuxuu ka yimid Shiri oo ah iskugu yeer ama kulmi, lana micno ah Shir.
Waa suugaan aad u macaan oo qof kasto uusan haweysankarin haddii Shiribka uusan aqoonin habdhaca iyo khaafiyadiisa gaarka ah.
Shiribka waxaa lagama maarmaan ah inuu ka unkamo ugu yaraan laba meeris; halka suugaanta kale hal meeris kaliya uu meel istaagi karo, marka laga reebo Gabayga iyo Guuroowga.
Soomaali badankood shiribka wey yaqaanaan oo wuxuu ka mid yahay ciyaaraha dhaqanka kuwooda ugu caansan, haddana waxaa aad looga dheellaa Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya gaar ahaan gobollada; Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Banaadir iyo Shabeellada Hoose.
Tusaale yar oo Shirib ah oo 3-dex waxyaabood oo isdiidan ku saabsan ayaan idin soo bandhigayaa:-
Saddex walxaato YA ku taal, saddex kaleeto yeeli mee
Yuhuuda gaalo la yiraah, Yaasiin akhrista yeeli mee
Yaxaas galbeedna yeeli maa, hortiisa yuulax-yuulaxey
Yaasiin madoone yeeli maa, Yibir ku yaal yaddawga gooy.
Eray bixin, ayaa qeybta hoose ku qoran. Haddii aad rabtid inaad aragtid sida wacan ee jaanta iyo jabaqda la iskula helo marka la shiribka la tumaayo, daawo heestaan aan soo dhigay ee hal ku dhigeedu uu yahay SHIRIBKA II TUMA iyo fanaanka Xuseen Nuuriyoow.
Eray bixin
1) Yuulax-yuulaxey – tilmaam dhaq-dhaqaaq sida Miriqleyn, Furdug, Qardadac.
Shiribka hadda waxay ogu jirtaa inaad Yaxaas galab joogo oo baahan inaad hortiisa xarago ogu dabaalato ama aad ku laafiyooto yeelli maayo.
2) Yaasiin madoone – Mas-ka la dhaho (mar soo bax) ama (Wed la soo bax) ee Soomaalidu ay dhahdo qofka uu qaniino yaasiinka lalama gaaro.
3) Yibir – cayayaanka xoolaha iyo xayawaanka kale cuna, oo muddo ku dhegganaada – Gafane. Soomaalida qaar caadaqaate ayey u yaqaanaan Yibir sida Qaamuusyada ku qoran.
Yaasiin madoone yeeli maa, Yibir ku yaal yaddawga gooy – waxaa loola jeedaa. Mas dilaa ah oo baahi la soo baxay, yeeli maayo inaad gacantaada oga goysid gafane sanka oga dhagan ama dusha ka saran.
Comments
Post a Comment