![]() |
Eastleigh Estate- Nairobi |
Xaafada Islii
ee ka tirsan degmada Kamukunji ee magaalda Nairobi, waa xaafada ay degan yihiin
dad fara badan oo Soomaaliyeed Ganacsi xoogan ay ku leeyihiin.
Xaga amaanka Islii
waxey soo martay marxalado kala duwan.
1991-dii iyo
sanadihii xigay, xaafada Islii dhinaca xigo isgoyska koowaad ama section one, waxaa
ka jiray tuugo xoogan, waxaana dadka dhici jiray rag madoow kenyan ah, ayadoona
goobahaas loo yaqaanay Shurri-yako ama maxaa iga galay. madaama ay aad ugu
badnayeen dhicitaanka dadka balse markii danbe waxaa cirib tiray tuugadaas
ciidamada Police-ka kenya iyo dad tiro badan oo dagay xaafadahaas.
Wixii ka
horay sanadii 2010-kii sidoo kale waxaa ka jiray Islii tuugo gacmaha ku xirto
Alwaax kadibna dadka ku ceejiyo, kuwaaso inta badan dadka ugu dhuuman jiray meelaha
mugdiga ah ee socodka dadka uu ku yar yahay.
Mararka qaar
waxaa ka dhici jiray Islii tuugo hubeysan oo intey meelo bar tilmaamadeystaan markaas
kadibna duulaan ku soo qaado.
Balse
Sanadihii la soo dhaafay xaaladu sidaas wey ka duwaneyd oo Islii waxaa ka jiray
Dhalinyaro tuugo ah oo ku hubeysan tooreyo iyo baangado, una badan Soomaali inkastoo
mararka qaar ay jiri karaan kuwa kale oo madoow Kenyan ah.
Xaalada ay
sababeen dhalinyaradaas oo ah mid amaanka lidi ku ah, ayaa hada waxaa laga
dareemay dhamaan wadanka Kenya kadib markii ay dileen dad fara badan oo aanan waxba
galabsanin balse ay ka qaadanayeen Taleefoona ay wateen.
Waxey sidoo kale arrintaas ay saameysay Saldhiga Police-ka PANGANI ee laga maamo xaafada Islii oo horay ay u joogeen Askar ku dhow 100, balse hada lagu soo reebay 10 Askari oo kaliya, intii kalana lagu sameyay transfer ama badalid.
Waxey sidoo kale arrintaas ay saameysay Saldhiga Police-ka PANGANI ee laga maamo xaafada Islii oo horay ay u joogeen Askar ku dhow 100, balse hada lagu soo reebay 10 Askari oo kaliya, intii kalana lagu sameyay transfer ama badalid.
Inkastoo
badalkoodi a keeni doono askar cusub, hadana sababta keentay in hal mar la
badalo tiradaas ciidanka ah, ayaa la sheegay iney tahay wax ka qabasho la'aanta
xaalada amaan daro ee xaafada iyo iney shaqadoodii gudan waayeen.
30-kii
bishaan, xilli dad badan ay ku jireen Masaajidka Abuu-Bakaru Sidiiq ee ku
yaallo wadada lixaad ee xaafada Islii, markii laga baxay Salaada Cishaha, ayaa Shiiq
Maxamed Cabdi Umal, Iimaamka Masaajidkaas, wuxuu la hadlay dadkii ku tukanaayay
Masaajidkaas, asagoona kala hadlay
arrimo amaanka xaafada Islii quseyo.
Shiiq Umal,
ayaa sheegay in dhibaatada hada Islii ka jirto ay qeyb ka yihiin dhalinyaro
Soomaaliyeed, asagoona tusaale u soo qaatay falal dad wax lagu yeelay oo Islii
ka dhacay, ayna sameeyeen dhalinyaro da'doodu ay ka yar tahay 15 sano jir, balse
Shiiqu wuxuu tilmaamay caruurtaas dhibka geysatay iney u adeegayaan dhalinyaro da'ahaan
ka weyn iyaga.
Wuxuu ugu
baaqay waalidiinta caruurtooda ay ka mid yihiin dhalinyaradaas, iney qabtaan intey goori goor tahay, wuxuu
sidoo kale walaac ka muujiyay sii socoshada falalkaan amaanka lidiga ku ah.
Dhanka kale,
howl-gal ciidamada Police-ku ay dhawanahaan ka sameyeen Xaafada Islii, ayaa waxaa
lagu qabtay dhalinyaro Soomaaliyeed oo tiradoodu ay gaareysay 51 qof, kuna eeysanaa ficilo amaan dari ah, ayaa maalin
ka hor la geeyay Maxkamada Sharciga ee Milimani oo ku taallo Wadada Upper Hill ee magaalada Nairobi.
Eedeysanayaashaa,ayaa
la xukumayay, waxaana sidoo kale lagu xukumayay hadii ay rabaan iney banaan joog
noqdaan inta dacwadoodu ay socoto, iney bixiyaan lacaago feyn ah oo gaaraayo 2 Milyan oo Shilling-ka Kenya ah oo ay dhigi doonaan eedeysanayaasha da'doodu ay weyn tahay iyo Hal Milyan
iyo Bar oo lagu xukumay kuwa da'da yar.
Islii dhawaanahaan
waxey u muuqatay iney tahay mid amaankeeda aad loo adkeynaayay. ayadoona
ciidamo fara badan ay xaafada dhex wareegayeen. Sidoo kale 48-dii saac ee la
soo dhaafay waxaa ka dhacay xaafada gudaheeda falal lagu wax yeeleyay dad
shacab ah oo hantidooda laga qaadanaayay.
Xaalada amaan
darida ah ee ka jirto xaafada Islii oo looga fadhiyay dadka Soomaaliyeed ee
dagan xaafadaas iney xalkeeda keenaan, ayaa hada u muuqato mid dowlada gacanta
u gashay, ayadoona dadka qaar ay qabaan in xalka kaliya ee dowladu ay keeni
karto uu yahay mid ku imaan karo Xarig ama Xabad, maadaama ay dowladu ayadu
masuul ka tahay sugida amaanka dhamaan
shacabka ku dhaqan Wadanka.
Najah Mohamed Ali
Nairobi-Kenya
Comments
Post a Comment