Sawirradaan idin muuqdo waa Buurta quruxda badan ee Daallo iyo dhulka keymaha ah ee ku gadaaman.
Daallo waxay ku taallaa gobalka Sanaag, waxayna u dhowdahay magaalo madaxda gobalkaas ee
Ceerigaabo.
Waa deegaan caan ku tahay dalxiiska; waana goob aad u qurux badan oo il-doogsi leh, kana mid ah meelaha ugu quruxda badan gobalkaas.
Buurtaan oo dhareerkeeda lagu qiyaasay 4 kun oo feet, markaad fiinteeda kore fuushid daruuraha oo kaa hooseeyo iyo ceeriyaamo ayaa qarineyso araggaaga.
Deegaanada Soomaalida Daallo waa ka caan oo waxaa loogu magac daray Ganacsiyo badan oo Diyaarado ay ka mid yihiin.
Daallo waxay caan ku tahay wadadda kaliya ee dhulka hoostiisa marto ee Soomaaliya oo dhan ku taallo, ayaa qeybta hoose ka marto.
Sannadii 1951-dii gumeystihii Ingiriisha ee dalka maamulaayay ayaa qeybta hoose ee buurta wuxuu ka sameeyay wado illaa xilligaan baabuurtu ay maraan.
Dhanka kale ammaanta Daallo ayey mu’alifiintu ku soo bandhigeen heeso caan ah oo kala duwan; oo waliba fanaaniin la wada yaqaano ay qaadeen.
Qaar kamid ah heesahaas ayaan jecelahay inaan idin xasuusiyo.
Alle ha-u-naxariistee Abwaan Cabdiqaadir Xirsi Yamyam ayaa sannadii 1979-dii wuxuu sameeyay heesta caanka ah ee #Daallo ee uu ku luuqeeyay fanaanka Cabdalla Yuusuf Warsame (Hanuuniye). Erayada heestaasna waxaa ka mid ah:-
Durdur iyo xareedeey
Doog iyo ugbaadeey
Dalaalimad cadarkiyo
Dhibciyo daruureey…
Ubax darayo musoo
Waabari hillaacaay
Markuu geelu darariyo
DAALLO aragtideedaay.
https://www.youtube.com/watch?v=YExqEPhWepo
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura), waxay ku luuqeysay hees kale oo Daallo la yiraahdo;-
DAALLO tus helayoo
Mayey tumay arooryoo
Ooy cad-ceedu taamiyo
Ay u timi nin joogii.
https://www.youtube.com/watch?v=4uGQKrLxe3Y
Cumar Cabdulle Shooli – wuxuu ku luuqeeyay heesta Daallo soo raac
Daawadeydaad
waad I deeqdee
Aan dalxiisnee,
Deg-deg soo soco
DAALLO soo raac. (Diyaarada Daallo).
https://www.youtube.com/watch?v=2gz8wmdQ-cc&t=84s
Cumar Dhuule Cali AHN heesta Daallo ama Degmo
Indhahaa ku doogsada
Qalbiguna ka sii daran.
DAALLO iyo howdoo
Daruuruhu ku hooreen.
https://www.youtube.com/watch?v=AImm2B8CdQw
Buurta Daallo quruxdeedu waa mid ku jirto quluubta dadka Soomaalida oo qaarkood ay horay ogu dalxiis tageen, halka kuwa aanan wali arkina ay ku taamayaan iney mar un tagi doonaan.
Najah Mohamed Ali
Comments
Post a Comment