Taas baddalkeed waxaa jiro dhallinyaro badan oo iyagoo weyn bartay qoraalka Afka Soomaaliga, kuwo aan aqaano qaarkood waa Soomaali Kenyan, Kenya ku dhashay, ku barbaaray, waxna ku bartay.
kuwo ka mid ah asxaabtooda oo aan ku jiro ayaa ka caawiyay iney bartaan qoraalka far Soomaaliga oo ay kala fahmaan 5-ta SHAQALLADA iyo 21-ka SHIBBANAYAASHA ee Alifbeetada Af-Soomaaliga iyo waliba xarfaha labalaabma ee toddobada ah (BDRGLMN) kuna dhan weedhaan MANALAGARAADBAA.
Dhalinyaradaas iyo kuwa la mid ah oo ku dhashay qurbaha fog ee waqooyiga Ameerika iyo Yurub, dhammaantood waxay isku taxluujiyeen iney bartaan afkooda hooyo xilli luuqadooda koowaad ay tahay Ingiriis ama Afka looga hadlo dalka ay u dhasheen marka laga yimaado Soomaaliya.
Waad iska garan kartaa dadka ogu badan ee asxaabta kula ah baraha bulshada dhallinyartaas iyagoo isticmaalaayo facebook-ga Afsoomaaliga bartay.
Laba-daraadle jiilkaas cusub wey og yihiin qiimaha uu leeyahay Afkooda hooyo.
Bishii June, 2015-kii ayaa magaalada Nairobi waxaan oga qeyb galay xaflad lagu soo dhaweynaayay Borofisar Kenyan ah oo lagu magacaabo Prof Ngugi Wa Thiongo oo xilligaas Mareykanka ka yimid.
Barahaas oo sidoo kale ah qoraa ku takhsuusay Culuumta Sugaanta; horayna u qoray buuggaag badan, ayaa munaasabadaas oo uu kula hadlay arday badan wuxuu ka yiri oraah aan wali xasuusto, “inta aad ku hadleysiin luuqad aanan tiina aheyn waxaad adoon u tihiin dadka iska leh luuqadaas”.
Oraahdaas qofkii caqli leh wuu fahmi karaa.
Bal aan wax yar jaleecno Soomaalida iyo afafka qalaad halka ay kala joogeen xorriyaddii ka hore.
1951 Soomaaliya waxaa ku yaallay labo Raadiye oo kala ahaa Radio Muqdisho iyo Radio Hargeysa.
Hargeysa xilligaas dadka ku noolaa waxaa lagu qiyaasay iney ahaayee ilaa 3,500 (Saddex Kun iyo Shan Boqol oo qof). Halka Muqdishana ay ilaa Shan kun oo qof ahaayeen.
Wakhtigaas barnaamijyada ka baxo Idaacaddahaas waxay ku kala bixi jireen afafka Taliyaaniga iyo Carabiga, qaarkoodna waxaaba laga soo deyn jiray Radio Roma oo caasimada wadanka Taliyaaniga ku yaallay madaama Taliyaanigu uu wakhtigaas guumeysan jiray gobolada koonfureed ee Soomaaliya.
1952 Soomaalida waxaa loo bandhigay iney la yimaadaan Eraygii lagu furi lahaa Idaacadda Muqdisho, waxaana laga doonaayay iney keenaan HALKANI WAA RAADIYOOW MUQDISHO mudo dheer ayeyna ku qaadatay helistiisa.
Muqdisho xilligaas waxey ka koobneyd xaafado yar yar sida Xamar Weyne, Xamar Jajab, Shangaani, Bilaajo Carab, Wardhiigleey iyo Boondheere. Barigaas waxay aheyd bilowgii dhismaha magaalooyinka iyo soogalitaankoodii.
Dadka Soomaaliyeed waagaas waxay ahaayeen 3 nooc;-
1) Dad kooban oo luuqadaha Carabiga iyo Taliyaaniga wax ku dhageysto kuna hadlo oo reer magaal loo yaqaanay.
2) Kuwa loo turjumo waxa Raadiyuhu sheegaayo sidoo kalana jeclaa iney bartaan luuqadahaas.
3) Iyo kuwa iskaga yaaco maqalka Raadiyaha, kuna tilmaami jiray Raadiyaha inuu yahay fal sheydaan. Waayoo waxey is weydiin jireen sanduuqaan yar halka ay ka galeen dadka ka dhex hadlaayo.
Afka Soomaaliga waxaa la qoray sannadii 1972. Bishii Janaayo, 21-dii isla sannadkaas markii ugu horeysay ayaa Wargeyskii Xiddigta Oktobar wuxuu ku soo baxay Af Soomaali wakhtigaasna waxaa loo astaameeyay maalinta Afka hooyo.
Ummadeenu Soomaali wey ku hadli jireen laakiin Farta Soomaaliga qoraalkeeda ayaa cusbaa, si weyn ayey ogu guntadeen barbaarinta fartooda cusub.
Bar ama Baro, waxaa bilowday isla sannadkaas ololihii far barashada oo lagu bilaabay shaqaalaha dowladda mudo lix bilood ah ayuuna ku soo idlaaday wajigii koowaad. Waxaa xigay ololihii weynaa ee horumarinta reer Miyiga, 1973/4 baadiyaha fog xitaa waxaa loo diray macallimiin reer miyiga far’Soomaaliga soo baro.
Looma kala harin oo xitaa fanka ayaa qeyb ka ahaa in afkeena uu taabo qaado.
1974-tii labo sano kadib qoristii Soomaaliga; Alle ha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) ayaa sameeyay heesta (Af Qalaad aqoonta miyaa) ee ay kuwada luuqeeyay Alle ha u wada naxariistee Fanaaniinta Xasan Diiriye Faarax iyo Xaliimo Khaliif Cumar (Magool).
Erayada heestaas waxaa ka mid ah:-
Afqalaad aqoonta miyaa
Maya maya, ma ahee
Waa intuu qofba Eeba galshaa
Ayey nala tahay annagee.
Hadda xilligaan aan joogno waxay u muuqataa ilbaxnimadii iyo reer magaalnimadii iney gashay in Afkii hooyo laga cararo oo Afka qalaad mudnaanta la siiyo, xilli Soomaalidu ay waa hore suugaan ku sheegeen Afka Qalaad in uusan aqoon aheyn.
Qoraalkaan dhalleeco ama fallaar xumaan ah oo aan ku ganay dadka afka qalaad ka doorbida Af-Soomaaliga ma ahan ee waxaan kaliya idin xasuusinayaa saaxiibayaal, dhallinyarannimo yeysan idin qaadin ee Afkiina nooleeya.
Mahadsanidiin
Najah Mohamed Ali
Comments
Post a Comment