Ciyaaryahanka Philippe Coutinho ee u dhashay wadanka Brazil wuxuu qaab deyn ah ogu ciyaaraa naadiga Jarmalka ah ee Bayern Munich ee hadda ku guuleysatay horyaalka kooxaha Yurub ee loo yaqaano Champions League.
Coutinho kooxda Liverpool ayaa 2013-kii waxay oga soo gadatay naadiga Taliyaaniga ah ee Inter Milan £8.5 million oo lacagta Pound-ka ah.
Ciyaaryahankaan qadka dhexe ee weerarka ama garabka ka ciyaaro, Liverpool intuu joogay wuxuu noqday mid caan ah; wuxuuna soo bandhigay qibrad aad u sareyso. Waxaana lagu yaqaanaa jiditaanka iyo weerarka dhaqsaha ah, gudbinta banooniga, wareejinta iyo kartida uu u leexinayo kubadda iyo darbada xoogan ee goolka lagu toogto.
Intii uu Liverpool joogay taageerayaasha Reds waxay u bixiyeen naaneysta ah (The Magician) Saaxirka madaama uu si la yaab leh u ciyaarayay.
Bishii Janaayo 2018, Coutinho wuxuu u saxiixay kooxda Isbaanishka ah ee Barcelona heshiis taariikhda galay oo la sheegay inay ku kacday lacag dhan 160 milyan oo Euro, taasoo xilligaas ka dhigtay Coutinho inuu noqday ciyaaryahanka labaad ee adduunka ugu qaalisanaa wakhtigaas.
Si kastaba ha noqotee, waxaa amaah lagu siiyay naadiga reer Jarmal ee Bayern Munich xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2019-2020.
Ciyaartii Quarter-final-ka ama rubuc dhammaadka Champion-ka waxay iska hor yimaadeen Coutinho kooxdiisa iska soo dirtay ee Barcelona, wuxuuna ka dhaliyay labo Gool mid kalana dhalintiisa ayuu ka shaqeeyay.
Caawa Philippe Coutinho wuxuu ku guuleystay Koobka dhagaha weyn ee loo yaqaano UEFA Champions League oo ciyaartiisii ugu danbeysay ay Bayern Munich hal iyo Ebar oga badisay kooxda PSG kulan ka dhacday magaalada Lisbon ee caasimada wadanka Portugal.
Najah Mohamed Ali
Comments
Post a Comment