![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEhqzjZlvkjGcGLitke8Mg7LLJ1tPkKlLcT224YHS8htVu2PTcKHwxYNBnTTpgXIULP8WD1XcnTpRm6SjahhMMsoED_k9k6CiGXodw2owwvZU2v-1xJPATG3bvrj-2F5F1rqguE-NYeeETVZ/s320/Sawirka+Ciida.jpeg)
Ciidda bisha Carafo oo dadka qaar ay u yaqaanaan ciid weyn maadaama loo dabaal dago saddex maalin oo isxigto, ayaa sannadkaan waxey oga duwan tahay sannadihii hore - iyadoo ku soo beegantay xilli adag oo adduunka uu saameyn ba'an ku haayo cudurka dilaaga ah ee Covid-19 ama Corona Virus.
Munaasibada Ciiddu Al-adxaa oo ku beegan 10-ka bisha Dulxaj oo ah maalinta ugu weyn xajka, ayaa sannadkaan timid iyadoo ay xajinayaan dad aanan badneyn sababo la xiriiro cabsida cudurkaas.
Axkaamta la doonaayo in lala yimaado ciiddaan waxaa ka mid ah; Takbiirta laga bilaabo salaadda subax ee maalinta Ciidda illaa salaadda Casir ee maalinta saddexaad ee Ciidda oo ku beegan 13-ka bisha Dulxaj.
Waxaa lagu adkeeyay Muslimiinta iney iskugu soo baxaan goobaha lagu tukanaayo Salaadda Ciidda madaama Nabigeena NNKH uu amray.
Dhanka kale qubeys iyo in dhar wanaagsan la xirto; lana dhageysto khudbada salaadda Ciidda ka danbeyso ayaa la wanaajiyay, iyadoo dumarkana loo fasaxay iney yimaadaan fagaarayaasha salaadda lagu tukanaayo xitaa haddii ay helayaan dhiiga caadada.
Marka salaadda ciidda laga baxo, waxaa la gowracaa neefka ulxiyada madaama salaadda la aado iyadoo aanan waxba la cunin.
Carruurta ayaa laga farxiyaa oo la arad tiraa waxaan la siiyaa hadiyado inta lagu jiro maalmahaan oo sidoo kale fasax guud la galiyo meelo ay ka mid yihiin, goobaha waxbarashadda iyo kuwa ganacsiga.
Munaasabadaha lagu muujinaayo farxadda iyo damaashaadka ayaa sii socdo salaadda ciidda ka dib, dadkuna waxey iskugu hambalyeeyaan maalmahaan mudan in la sheego.
Najah Mohamed Ali
Comments
Post a Comment