In ka badan labaatan qof oo la il-daran cudurka shuban Biyoodka, ayaa haatan lagu daaweynayaa xarumo caafimaad oo ku yaalo magaalada Balad Xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo, kuna taallo meel u dhow xadka kala qeybiyo wadamada Somalia iyo Kenya.
Dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, ayaa badankooda lagu sheegay iney yihiin carruur da'doodu ay ka yar tahay shan sano jir. kuwaasoo qaarkood la sheegay in diif xun ay ka muuqato.
Dhaqaatiirta ayaa la xiriirshay faafitaanka shuban biyoodka magaaladaa ka jirto faya dhowr xumo ama nadaafad darro ayadoo biyaha roobku ay ceegaagsamaan meelo badan oo magaaladaa dhexdeeda ah.
Tan iyo markii uu shubanku bilowday oo ahayd horraantii bishaan Mey ayaa waxaa lagu daweeyay isbitaalada Balad Xaawo dad tiradoodu kor u dhaaftay 200 oo qof oo shuban biyoodku asiibay.
Bukaanadaa boqol in ka badan, ayaa ahaa carruur da'da 5 sano jirka ka yar.
Najah Mohamed Ali
Comments
Post a Comment