Daraasad lagu ogaaday in Dadka Soomaaliyeed ay wada noqon doonaan Siyaasiyiin, Dalkooduna uu wada noqon doono Caalami
Daraasad ay sameeyeen gudi madax-banaan oo qiimeyo arrimaha
dalalka soo koraayo, ayaa lagu sheegay in 10 sanadood gudahood ay inta badan
dadka Soomaaliyeed ay noqon doonaan, masuuliyiin horay xilal oga soo qabtay
wadankooda.
Saadaasha ayaa tilmaameyso; in xilalka ay qaban doonaan
Soomaalidu ay ugu yaraan doonto, guddoomiyayaal dagmo, Afhayeenno iyo
Agaasimayaal.
Soomaalida, ayaa 80% wada noqon doono Madaxdii hore, waxaa daraasadaas lagu sheegay in dadku ay
xilalka u kala qaban doonaan sida tan:-
15% waxey Soomaalidu noqon doonaan Wasiiro soo maray
dowladda dhexe ee Somalia iyo Maamul Gobaleedyada.
20% waxey noqon
doonaan Xildhibaano ka kala yimaado dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada.
15% waxey noqon doonaan Madaxweynayaashii hore,
Ra’iisal-wasaarayaal, Guddoomiyayaashii Baarlamaanka iyo Madaxdii Maamul
Gobaleedyada.
30% waxey noqon doonaan Agaasimiyaashii hore, Gudoomiyayaal
Gobaleed iyo Guddoomiyayaal dagmooyin iyo waliba xilal kale ee lamid ka ah.
Wadanka Soomaaliya oo dhanna, waxaa lagu sheegay inuu wada
noqon doono CAALAMI, marka loo fiiriyo sida loogu dhawaaqaayo xarumihiisa kala
ah Garoomadda Diyaaraddaha, Isbitaalada, Iskuulada, Jaamacaddaha iyo Xarumaha
Warbaahinta.
Ugu dambeyntii
Daraasada ay soo saareen guddiga madaxa banaan ee qiimeeyo dalalka soo koraayo,
ayaa lagu cadeeyay in dadka Soomaaliyeed ay dhamaantood yihiin Geesiyaal amaan badan, isla markaasna wadankoodda oo ka
soo kabanaayo dagaalo sokeeye iyo fowdo ragaadisay ku dhawaad 24- sano, ay hada
kaga horeeyaan wadamo badan oo ku yaallo Bariga iyo Bartamaha Africa dhinaca
Ganacsiga xorta ah iyo Isgaarsiinta.
Waxaana la saadaaliyay, hadii sidaan ay ku sii wadaan Ganacsiga-
dadka Soomaaliyeed in 10-ka Sano ee soo socoto uu dalkoodu 40% uu noqon doono
Warshado iyo xarumo wax soo saar, ayna si weyn oga sii horumari doonaan dalalka
la isku yiraahdo European Union ama Midowga Yurub.
Waxaa diyaariyay:- Najah
Mohamed Ali iyo Xassan Kaafi Maxamed Xalane
Comments
Post a Comment