Xulka Somalia oo weerar ku qaaday Burundi |
Nairobi 29 November 2013- Ciyaaraha GOtv CECAFA Senior Challenge Cup ee Sanadkaan ka dhacaayo Kenya, Xulka Somalia (Ocean Starts) ciyaartoodii
kowaad shalay "28 November 2013", waa laga raayay oo 2 iyo Ebar, ayey
Kooxdii Burundi (Swallows) oga badisay.
Anigu waxaan joogay garoonka Kenyatta Stadium ee Magaalada Machakos
oo ciyaartaas ay ka dhaceysays.
Tayada Ciyaartooyda Soomaaliyeed ma xumeyn, waxeyna heleen fursado
waa weyn oo goolal ay ku dhalin kareen, sidoo kale waxey iska difaaceen weeraro culus
oo lagu soo qaaday gooshooda.
Intii ciyaartu ay socotay hadaad daawan laheyd ama aad joogi
laheyd Garoonka, xiliyada qaar waxaa muuqatay kala dhantaalni xaga isku dheeli
tirka ciyaarta ah, sidoo kale waxaa muuqatay habka la socoshada isbadalka
ciyaarta iyo tayadeeda iney aheyd mid ay ku kala duwanayeen leyliyaasha labada Xul.
Labada gool ee laga dhaliyay Somalia, kan hore wuxuu dhashay
dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta markii ciyaaryahan Christophe Nduwarugira
uu meel goosha u dhow oga faa'ideystay qalad ay maseeyeen difaaca Somalia, halka goolka labaadna uu Burundi u dhaliyay Abdul Rizak Fiston- tobankii daqiiqo ee hore markii la iskugu soo
noqday qeybta danbe ee ciyaarta.
Macalinka Burundi wuxuu sameyay badal u wanaagsanaa
kooxdiisa xiligii goolasha ay dhalinayeen iyo intii ciyaartu ay socotay. Laakin
dhinaca Soomaalida ma jirin badal fiican oo ay sameyeen xiligii goolasha laga dhalinaayay.
Wakhtigii la talinta iyo nasashada kooban markii uu
dhamaaday Half time-kii hore ee ciyaarta, waxaan joogay goobtii lagula
talinaayay ciyaartooyda Soomaaliyeed; Inkastoo
anaan hadal ku laheyn hadana waxaan aad oga xumaaday sida loola talinaayay
ciyaartooyda hamiga fiican lahaa ee dheelayay.
Waxey u muuqdeen kuwa madluun ah ama dad dambi galay
inkastoo daal iyo tabar yari ay ka muuqatay- hal goolna lagu lahaa markaas. Qof
kasta oo meesha soo gala asagoo qeylinaayo ayuu wax u sheegayay, ma jirin qof u
mahadcelinayay ama niyada u dhisaayay.
Waxa ugu badan ee lagu qeylinayay waxey aheyd dhinacaa iska
xajiya, weerarka adkeeya, difaac gala iyo amaro kale laakin ma jirin qof ku
amaanayay sidii ay u dheelin iyo isku dayadii goolalka loo filan karay ee ay
iska difaaceen.
Masuul aanan Soomaali aheyn ayaa ugu wacnaa oo Afka
English-ka xili kooban kula hadlay, wuxuu
u sheegayay ciyaartooyda iney is dagaanasho iyo kalsooni leh u
ciyaaraan, wuxuuna xasuusiyay wakhtiga u dhiman (Half time-ka labaad), iney
heli karaan goolal ayna badin karaan, laakin intii uu hadlaayay waxaa dhex
socday hadalo duul duul ah.
Ciyaartooydu indha oo kaliya ayey ka eegayeen ee lama aynan
hadleynin dadkaas badan ee midba uu dhinac ka qeylinaayay, waxaan maqli jiray
(Habar fadhida lagdan la fudud).
Qeybtii danbe markii ciyaarta lagu soo noqday intii lagu
guda jiray 10-kii daqiiqo ee horaba goolkii labaad oo xirfad u lahaa Burundi,
ayaa laga dhaliyay Xulka Somalia wuxuuna ahaa banooni weerar celis ah oo ka yimid dhanka difaaca
Burundi.
Goolkaas markii la dhaliyay oo ciyaarta ay 2 iyo Ebar ku
hogaaminayaan Burundi, waxey laheyd fursad wax lagu kala badalo oo wakhtina waa
la haystay, laakin taas ma dhicin wuxuuna ahaa qalad kale oo ii muuqday in
weerarku uu ku sii socday goolka Somalia marar kalana la sigay.
Balse 20-kii daqiiqo ee ugu danbeeyay ciyaarta waxaa ka
muuqday isbadal weyn oo banoonigu wuxuu daris dhow la ahaa Goolka wadanka
Burundi, ciyaartooyda Soomaaliyeedna waxey isla heleen jaanta. Taasna waxey ka
danbeysay markii Macalinka Xulka Somalia uu ciyaarta badal ku soo galiyay Labo
ciyaartooy oo anaan wax badan kala danbeynin, waxaana muuqatay xarakaadyo badan
oo ay muujiyeen ciyaartooyda Soomaaliyeed, ayagoona weerar xoogan qaaday.
Ogoow xiligaas waxaa socday Roob' garoonka iyo Ciyaartooyduna
wey qoy'naayeen, wuxuuna u muuqday roobkaas inuuba faa'ido u lahaa Soomaalida
madaama banoonigu uu daris dhow la ahaa, oo uu ku dul meeraayay goosha Burundi .
Sidoo kale ma jirin wax gool ah oo la kala dhaliyay intii roobku uu socday ama
laga dhiliyay Xulka Somalia.
Laakin waxaan la
yaabay markii ciyaartu ay dhamaatay hadalkii ka soo yeeray Masuuliyiinta
Soomaaliyeed ee ku shaqada lahaa ciyaarta.
Waxey yiraahdeen- Markii
la weydiiyay sababaha guul darada iney sheegaan?
"Roob ayaa da'aayay, Cimilada ayaa qaboobeyd, garoonku
Biyo ayuu lahaa, sidaas darteed ayaa
nalooga badiyay"...Adigu taas ma rumeysan laheyd?
Hadaba sidaan horay kugu sheegayba xiligii roobku uu
da'aayay Kooxda Burundi ayaaba taagneyd Illaahoow na bixi, weerar culusna waa
lagu haayay.
Sidoo kale aan ku xasuusiyo, labada goolba waxey dhasheen
ayadoo roob uunan soconin. Marka sidee lagaaga badiyay roobka? dadka u sheeg
hadii lagu dhaho maxaad dhili laheyd.
Waxaan soo xasuustay Oraahdii aheyd (Waxaad sheegto ha
waayin).
Ciyaartu markii ay dhamaatay ee laga soo baxay garoonka, waxaan
damcay inaan la hadlo qaar kamid ah dhalinyarada xushmada mudan ee Xulka
Somalia laakin aniga ayaa aad u naxay walaahi.
Sxbo ayaan aheyn waxaan damcay inaan salaamo oo aan u
mahad-celiyo laakin wuuba ila hadli waayay, Indhihiisana ilin ayaa iga muqatay,
shabaqa garoonka ayuu qabsaday madaxiisana hoos ayuu u foorayay, intii aan ag
tagnaa ee aan u mahadcelinayay marna kor ima uusan soo firiin kahor inta aanan
foorarka ka soo jeedinin.
Maskiin- Illahaa u maqan, Raga baa markaas tagnaa meel aanan
asaga ka fogeyn oo ku hadlaayay magaciisa warbaahintuna ay buun u garaaceysay
oo sheegayay wuxuu rabo balse anan xaqiiqo aheyn.
Waan dareemayaa inaad jeclaan laheydeen, inaad i weydiisaan
halka sartu ay ka qurun-saneyd inta ciyaartu ay socotay.
Ma ciyaartooyda, Garsoorka, Taageerayaasha, Garoonkii lagu
ciyaarayay misa Howl-wadeenada Xulka Somalia.
Ciyaartooydu: aad ayey u wanaagsanaayeen, ceeb ka saliimna
wey ahayeen. dadaal aanan hagrasho laheyna wey sameeyeen intii ciyaartu ay
socotay.
Garsoorku: masuuliyadiisi ayuu gutay oo khalad loo jeedo
ma uunan qarinin, ciyaartana si fiican ayuu ku waday.
Taageerayaashu: mudnaan gaar ah ayey lahaayeen, waxaana
marqaati aan ka ahay in dhalinyaro ay 64 KM ku tageen Mootooyin markii ay ka
raaceen Nairobi ayna ku tageen Machakos oo ciyaartu ay ka dhaceysay xili qaboow
uu jiray, abaabulna fiicana ay waayeen. Sidoo kale garoonka wey
buuxiyeen, sawaxan iyo calaamado uu kamid yahay Calanka Soomaaliyana wey
lulaayeen, waxeyna wateen Vuvuzela-yaal dhawaaqooda laga maqlaayay garoonka oo
dhan.
Garoonku: wuxuu ka
mid ahaa garoomada Kenya dhawaan ay u diiwaan galisay in lagu qabto ciyaaraha
caalamiga ah ee heer gobal, waxaana ku wada ciyaari doonto 12-ka kooxood ee ka
qeyb galaayo koobkaan CECAFA Senior Challenge Cup ee 2013-ka.
Isla 28-November, waxaa ku
ciyaaray garoonkaas Xulalka Tanzania iyo Zambia oo 1-1 ku kala baxay. Sidoo
kale labada bisha December ee soo socoto
waxaa ku ciyaari doono garoonkaas Xulalka
Sudan iyo Rwanda.
Eritrea iyo Uganda
Saddexda December-na waxaa sidoo kale Machakos ku ciyaari
doono Xulalka
South Sudan iyo Ethiopia
Kenya iyo Zanzibar
Hadaba sidee garoon intaas oo ciyaar lagu qabanaayo, laguna
sameyay dayactir aad ku dhihi kartaa waa garoon xun, ma adiga oo kaliya ayuu ku
xun yahay misa kooxaha oo dhan?
Howl-wadeenada Xulka Somalia: ciladu waxey ka muuqatay xaga maamulka kooxda
oo Af macaan ku hadlaayo, mar kastana guul daro la hoydo. waxaa jiray
ciyaartooy magac leh oo ciyaartaas ku haboonaa laakin aanan la ciyaarsiinin
xili uu caafimaad qabo, waana taas sababta dad badan oo meesha joogay ay is
weydiinayeen.
Marka koob aad ka soo hartid guul darana aad la soo hoyatid,
waa in la sameyaa isbadal xaga ciyaartooyda iyo Tababarayaasha ah ee ma ahan in
mar kasta lagu xisaabtamo dhibcaha lagaa qadanaayo ama aad wadanka kale u noqotid saddex dhibcood oo uu ku
xisaabtamo.
Hadii aad mar kasta ku cel-celisid Somalia waa dal
bur-bursan oo heerkeeda ciyaareed uu hooseeyo, ciyaartooyduna ma haysato
agabkii ay u bahnayeen. Su'aasha markaas imaaneyso waxey tahay maad iska
deysiin ciyaaraha intii aad sahay ama wado maro u noqon laheyd Dal kale.
Soomaalidu waxey dhahdaa (Meel ka muuqo ama ka maqnoow), waa
in la helaa isbadal sidaan dhaamo, lana kordhiyaa tayada ciyaaraha
Soomaaliyeed. waxaa jiro ciyaartooy
fiican oo Somali ah, kuwaasoo ka ciyaaro wadamo badan oo caalamka ka tirsan.
Sidoo kale waxaa jiro ciyaartooy fiican oo joogaan Gobalada
dalka oo dhan ee hala soo xulo ciyaartooy tayo leh, hana la siiyo xaqiiqdooda. Mushaaraad
wanaagsan iyo daryeel caafimaad si ay u gutaan waajibaadka dalkooda ka saaran. Dhanka
kale hala keeno Macalimiin qibrad fiican u leh ciyaaraha iyo howl-wadeeno
shaqadooda ku fiican, guulna halagu xisaabtamo.
Illahayna waxaan ka baryeynaa dad wax tar ah inuu na siiyo
oo howsha Qaranka si fiican u guto.
Najah Mohamed Ali
Comments
Post a Comment