Nairobi 27 November 2013- Waxaa maanta ka bilowday wadanka Kenya tartanka Ciyaaraha
Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ee
loo yaqaano CECAFA, oo ay ka qeyb galayaan sanadkaan 12 kooxood oo ka kala
socdo bariga iyo Bartamaha qaarada Africa.
Kooxahaan oo loo kala qeybiyay saddex Group, ayaa maanta
waxaa ciyaaray group-ka koowaad ee (A) oo kala ah dalalka Kenya, Ethiopia,
South Sudan iyo Zanzibar.
Waxaana lugtii hore ee furintaanka ciyaarhaan maanta ku
kulmay Garoonka Nyayo Stadium ee ku yaallo Magaalada Nairobi, wadamada South
Sudan iyo Zansibar oo ku kala-baxay 2-1 ay guushu ku raacday Zanzibar. Halka
ciyaartii labaad ee Group A ay galabta iska horyimadeen Wadamada Kenya iyo
Ethiiopia oo ciyaartoodii ku dhameystay Gool la'aan.
Bari ayaa lagu wadaa iney ciyaaraan kooxaha ku jiro Group-ka
(B) oo kala ah Somalia, Burundi, Tanzania iyo Zambia.
Marka ay tahay saacada geeska Africa 2:00 Duhurnimo, ayaa la
filayaa iney bilaabato ciyaar xiiso badan oo u dhaxeyso Xulalka Somalia iyo
Burundi, oo ku wada ciyaari doono garoon ku yaallo Xarunta Gobalka Eastern ee magaalada
Machakos oo qiyaastii 92 KM u jirto
Magaalada Nairobi.
Xulka Somalia ee lagu magacaabo Ocean Stars, ayaa rajo
fiican ka muujiyay ciyaartooda bari,
ayagoona sheegay iney sameyeen diyaar garoow ku filan oo ay oga guuleysan
karaan kooxaha ay la ciyaari doonaan.
Dhanka kale, waxaa ayaguna bari galinka danbe ciyaari doono
Wadamada Tanzania iyo Zambia oo ay isku Group ay yihiin Somalia.
Group-ka ugu danbeeyo ee (C), ayaa waxaa ku jiro Wadamada
Uganda, Rwanda, Sudan iyo Eritrea kuwaasoo la filaayo iney ciyaari doonaan
29-ka Bishaan.
Xulka Somalia ee Ocean Stars, ayaa wareega koowaad lagu
wadaa inuu la wada ciyaaro saddexda kooxood ee ay isku Group-ka yihiin, ayadoo ciyaarta
ugu horeyso uu bari 28-november, kaga hortagi doono Wadanka Burundi, halka 1-da December-na uu la madlan yihiin
Wadanka Tanzania ayadoo 4-ta Bisha soo socoto ee December ay sidoo kale ka
hortagi doonaan Wadanka Zambia.
Ciyaarahaan CECAFA oo sanadkaan oo ka dhacaayo Wadanka
Kenya, ayaa waxey bilowdeen 27-kii November waxaana lagu wadaa in la soo
gaba-gabeeyo 12-ka December ee sanadkaan.
Najah Mohamed Ali
Comments
Post a Comment