Bulaalidda Ganacsiga iyo Bilaabashadii Beec-mushtarka Xaafada Islii

Xaafada Islii oo ka tirsan degmada Kamukunji ee magaalada nairobi, ayaa waxey leedahay magacyo kala duwan ayadoona dadka aanan Soomaalida aheyn qaarkood ay u yaqaanaan magaca ah Muqdisho yarey.
Sababta keentay magacaas, ayaa lagu sheegay iney tahay kadib markii xaafadaan ay sal dhigteen Soomaali fara badan, kuwaasoo iskugu jiro dad Soomaali kenyan ah oo ka yimid Gobalka Waqooyi bari kenya iyo dad Soomaaliyeed oo ka kala yimid gobalada kala duwan ee dalka Somalia uu ka kooban yahay.
Islii iyo goorta ganacsigeedu uu billowday
Islii waxey caan ku tahay noocyadda kala duwan ee ganacsiga xorta ah, waxeyna kamid tahay suuqyada ugu waa weyn ee ku yaallo Bariga Africa ayadoo maalin kasto ay u soo dukaameysi tagaan shaqsiyaad aad tiro badan oo ka kala yimaado qeybaha kale ee magaalada Nairobi, deeganada ku harereysan iyo waliba wada kenya jaarka la ah sida Uganda, Tanzania, South Sudan, Ethiopia iyo Somalia.
Ganacsiga Xaafada Eastleigh, ayaa billowday muddo hada laga joogo in ka badan 20 (labaatan) sano. Waxeyna aheyd meeshii ugu horeysay oo Ganacsiga Islii uu ka hana-qaado halka maanta uu ku yaallo Suuqa weyn ee Garisa lodge oo xiligaas ahaa Hotel ay dad daganaayeen balse hortiisa ay Alaabo yar-yar dhigan jireen dad warato ah oo Sariiro dhulka la dhigay ku dul gadi jiray Alaab anan tiro badneyn.
Marxalado kala duwan oo uu soo maray gacansiga Islii kadib, hada marka aad dhex mareysid Xaafada waxey indhahaadu qabanayaan goobo ganacsig oo sidii silsilad oo kale iskugu taxan, dhamaantoodna lagu iibinaayo noocyada kala duwan ee Alaabta iyo hantida laga ganacsado, kuwaaso dhex ceegaago dukaamo aad loo camiray, ayadoo dadka waratada ahna ay buux dhaafiyeen wadooyinka dhex maro xaafada iyo agagaaradda goobaha waaweyn ee ganacsiga sida (Shopping mall-da) ama Suuqyada sida casriga ah u qalabeysan.
Kobaca Ganacsiga Islii iyo waxyaabaha dadka Soomaaliyeed ay ka ganacsadaan
Kobaca uu sameynayo ganacsiga Xaafada islii, ayaa ah mid aad u weyn ayadoo dadka Soomaaliyeedna maalinba maalinta ka danbeyso ay kobcinayaan ganacsigood waxeyna ka bayac-mushtaraan Alaabaha kala duwan sida Bagaashka, Raashinka – jumlo iyo Tafaariikh, Shidaalka, Xawaaladaha, Sarifka lacagaha kala duwan, Iibka guryaha, Baabuurta waa weyn (Xamuulka), Goobaha laga cunteeyo, Super market/Suuq weynayaal, Baabuurta yar-yar (Taksiyadda) Hantida Banaanka laga keenaayo, Hotello, iyo Guryaha deegaanka oo si casri ah loo dhisay (real estate), waxaana muuqatay sanadihii la soo dhaafay horumarka laga dareemaayay  Ganacsiga Soomaaliyeed ee Xaafada Islii.
islii-Inta badan lacaga ay ku bilaabaan ganacsiga dadka Soomaaliyeed, ayaa ah kuwa ay su’aallo badan ka taag-naayeen, ayadoo marar badana lagu eedayay Ganacsatada Soomaaliyeed iney xiriir la leeyihiin kooxaha burcad badeeda ah, kuwaaso la ogsoon yahay iney madaxfurasha ahaan ku helaan lacago aad u faro badan sanadihii la soo dhaafay, balse waxaa arrintaas gaashaanka ku dhuftay Guddiga Ganacsatada Xaafadda Islii ee Eastleigh Business District Association (EBDA).
Haji H. GulledGuddoomiyaha EBDA Xaaji Xassan Guulleed,  ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymahaas oo horay warbaahinta Kenya ay si weyn oga hadashay, wuxuuna sheegay in dadka Soomaaliyeed ay yihiin dad is garab qabto isna taageero, sidoo kalana ay yihiin dad ku fir-fircoon ganacsiga iyo horumarkiisa.
Dadka u dhuun daloola arrimaha ganacsiga Xaafada Eastleigh, ayaa sheegay in lacagaha ay dadka Soomaliyeed ku bilaabaan ganacsiga aay yihiin kuwo ay ka helaan qaraabadooda dibadaha jiro, ama lacago ay aruursadaan kadibna ay ku maal gashadaan goobo ganacsi.
Heerarkii uu soo maray Ganacsiga Eastleigh
Ganacsiga Xaafada Islii ayaa la sheegay inuu kor u kacay kadib markii dagaallo sokeeye ay ka dheceen dalka Somalia, dad fara badana ay dibada oga soo baxeen. ayadoo xiligii hore uu ganacsigu ku billowday xaddi aad u yar kadibna uu aad u sii fiday.
Baayac-mushtariga Soomaaliyeed, ayaa hada waxey tartan kula jiraan ganasatada kale ee wadanka ayadoo ascaarta badeecadeedna ay ka dhigeen mid gor-gortan leh halkii markii hore ganacsatadii oga horeysay suuqa sida kuwa Hinda uu ganacsigoodu ahaan  jiray mid aanan gor-gortan laheyn.
Biyo Wasaq ahXaafada ayaa soo martay xiliyo kala duwan oo dhib badnaa, waxeyna sheegeen ganacsatada in wakhtiyada qaar laga jari jiray Korantada xiliga uu ganacsigu xoogan yahay, halka marar kalana lagu soo furi jiray suuqa biyo wasaq ah, ayaguna ay dhib ku aheyd iney ganacsigooda sii wadaan balse ay u dul qateen dhibaatooyinkaas oo dhan hadana ay ka guul gareen.
Ganacsiga Islii ayaa lagu sheegay inuu yahay mid ka madax banaan Suuqyada kale ee Kenya, waxeyna  si toos dadka Soomaaliyeed ay badeecadooda oga keensadaan Wadamo ku yaallo qaarada Asia, gaar ahaan Dalalka Dubai, Chine, Thailand, Malaysia, India iyo qaar kamid ah wadamada dariska la ah Kenya, sida dalka Uganda oo ay ka keenaan dharka iyo kabaha.
Billihii la soo dhaafay ayaa ganacsiga islii wuxuu ahaa mid aad uga hooseeyo heerkii marka hore uu joogay, ayadoo taasna loo sababeeyay kadib markii ciidamada Kenya ay gudaha u galeen Soomaaliya horaantii sanadkii aynu soo dhaafnay, sheegayna iney baacsanayaan Xoogaga Shabaabka oo ay ku eedeyeen iney gudaha kenya ka afduubteen dad ajaanib dalxiisayaal ahaa.
BASKAArrintaas ayaa horseeday qaraxyo is xig-xigaay oo lixdii bilood ee ugu danbeysay sanadkii 2012-kii oo badankoodu ka dhacay xaafada Islii qaarkoodna lala beegsaday baabuurta gaadiidka dad-weynaha, kuwaasoo sababay in bilihii November iyo December ee Sanadii 2012 iyo bishii January 2013, ay ciidamo badan oo kenyan ah ay howl-galo dad lagu qab-qabtay ka sameyeen xaafada islii, ayadoona dad aad u tiro badan oo ganacsato Somali ah, ay dib ugu noqdeen Somalia halka qaar kalana ay ganacsigoodu u wareejiyeen wadamo kale.
Dadada NomadDhanka kale bilihii la soo dhaafay waxaa si gaabis ah xaafada oga socday dhismaha wadooyinka, waxaana xiran inta badan wadooyinka soo galo xaafada iyo kuwa ka baxo taasoo ayaduna sababtay in ganacsigii xaafada uu noqdo mid u muuqdo inuu go’doonsan yahay oo ay ku adagtay dadka aanan daganeeyn xaafada iney u soo ganacsi tagaan.
ShakulSheikh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ah Ganacsade weyn, kana mid ah maamulayaasha sare ee xarumo ganacsi oo ku yaallo xaafada islii, ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay kala kulmeen xirnaasha wadooyinka, asagoona intaas ku daray in xiliyadii wadooyinkaas ay furnaayeen uu ahaa ganacsigu mid heer sareeyo balse dhawaaanahaan uu yahay mid aanan aheyn sidii markii hore uu ahaa.
Sidoo kale xirnaasha qaar kamid ah wadooyinka ayaa sababay ciriiri badan oo ka jiro gudaha xaafada,  waxaana adag in qof wato baabuur uu gudaha u soo galo islii ayadoo labada wado ee dhex marto xaafada oo kala ah wadada koowaad iyo tan labaad, ay aad u burbursan tahay wadada koowaad halka mida labaad dhawaan dhismaheeda gacanta laga qaaday.
Maxaa sababay inuu horumar gaaro Ganacsiga Islii?
Dadka ku xeel dheer arrimaha ganacsiga, ayaa tilmaamay in ay sahashay horumarka ganacsiga xaafada, dadka Soomaaliyeed oo ah kuwa ka beec jaban ganacsatad kale, sidoo kalana si fudud looga heli karo Alaab intii looga bahdo maadama ay Soomaalidu leedahay Alaabaha yaallo bakhaarada waaweyn ee jumlada iibiya, kuna yaalo gudaha xaafada islii, taasna waxey u fududeysay dadka u soo ganacsi tagaayo islii iney hal mar wada helaan alaabihii ay u bahnayeen halka Ganacsatada Soomaaliyeedna ay  u fududeysay arrintaas iney si dhib yar ku helaan kharashkii dibadaha looga keeni lahaa dalabaadyo cusub.
Goobaha Ganacsi ee sida weyn looga dukaameysto kuna yaallo bartamaha Xaafada Islii waxaa kamid ah, Suuqyadda Garisa Lodge, Al-Amiin, Honkok, Bonkok, Mash, Amko, Mandheera, Barka Bazaar, Amal, Taiser, Olompic iyo kuwa kale oo laga helo noocyo kala duwan ee Dharka, Dahabka, Saacadaha, waxyaabaha la isku carfiyo iyo qalabka electronic-ga.Amco
Sidoo kale waxaa ku yaalo gudaha xaafada Carwooyin waa weyn Supermarket-yo iyo waliba hotelo aad u qurux badan kuwaaso maalinba maalinta kadanbeyso ay ku soo biiraan kuwo hor leh.
Kama marna ganacsiga Islii Goobaha la isku qurxiyo sida Beauty Saloons, Timo jarayaal, Xarumaha laga diro Taleefoonada, Goobaha lagu duubo cajaladaha heesaha iyo kuwa wacdiyada Diiniga ah, Baraha laga isticmaalo Internet-ka iyo xarumaha bixiyo, Maqaayadaha laga cuno raashinka noocyadiisa kale duwan iyo meelaha lagu farsameeyo qalabka sida taleefoonada Radiyayaasha iyo wixii la mid ah.
Dhibaatooyinka uu la kulmo Ganacsiga Soomaalida
Dhibaatooyinka ganacsiga Soomaalida uu la kulmo waxaa ka mid ah. Amaan xumida ka jirto Xaafada islii, ayadoo dhac loo geysto mararka qaar dukaamada xiliyada habeenkii ah. Wadooyika dhex maro Xaafada islii oo aad u burbursan taasoona dhib ku ah Baabuurta xamuulka ka keeno Magaalada Mombasa ee wado alaabta culus.
AjaabAjaab Security Service waxey kamid tahay Hay’adda arrimaha amaanka Qaabilsan ee ee ka howl galo xaafadda Islii ayadoo hay’addaana ay leedahay shaqaallo u taba-baran ilaalinta hantida iyo waariyeentooda.
Ahmed Ajab M.Ahmed Mohamed BA waa Maamulaha guud ee Hay’adda qaabilsan dhanka amaanka Xaafadda Islii ee Ajab Security service, wuxuuna ii sheegay iney bixiyaan addeeg dhanka amaanka ah oo afar iyo labaatan saac ah, sidoo kalana ay hay’adiisu leedahay in ka badan 200 (laba boqon) oo waardiyaal tababaran ah, kuwaasoo illaaliyo goobaha ganacsiga, xarumaha Shirkadaha iyo Hotelada waa weyn ee ku yaallo xaafada.
Wuxuuna intaas ku daray Ahmed in ay mag-dhow siiyaan cidii wax xado goobtiisa xilli waardiyaal ka tirsan hay’addooda ay shaqo u hayeeyn, ayna sidoo kale adeegsadaan Kaamirooyinka muuqaalka duubo iyo Alarm dhawaaqo si khatar kasta ay oga hortagaan.
Xaafada Islii oo u muuqato mid u sii xuub-siibaneyso Suuq Ganacsi, ayaa hada waxaa ka socdo dhismaha Guryo waa weyn oo iskugu jiro kuwa deegaan iyo goobo ganacsi ayadoona ay dib ugu soo noqonaayeen dhawaanahaan xaafada dad fara badan oo horay oga cararay, hadana ay u muuqato mid dib ugu soo noqoneyso ciriirigii horay loogu yaqiinay.
Goobaha ganacsiga ayaa iyaguna u muuqdo kuwa ku sii fidaayo dhul hor leh oo kamid ah xaafadaha la daganaa madama guryo ay dad deegaan ahaan u isticmaali jireen laga dhigay dukaamo ganacsi taasna ay kor u sii qaaday baaxada uu ku fadhiyo Suuqaa Xaafada oo hada noqday Suuqa labaad ee ugu weyn dalka Kenya loogana soo ganacsi tago meelo aad oga fog halka ay ku yaalo.
Maal-galin badan oo Soomaalidu ay ku sameeyeen Eastleigh sanooyinkii la soo dhaafay, ayaa ka dhigtay ka dhigtay Xaafada Suuq ganacsi kaaso howlihiisa ganacasi ay hada u socdaan si wanaagsan.

Najah Mohamed Ali
Nairobi-Kenya.
Faafin SomaliReal.com |  Jun 9th, 2013 

Comments