Magalada Wajeer waxaa loo dhigay Xaflad ku saabsaneyd 100 sanad guuradii ka soo wareegtay markii la aqoonsaday
Magaalada Wajeer oo ka tirsan Gobalka Waqooyi bari kenya,
ayaa dhawaan waxaa lagu soo gaban-gabeeyay xaflada lagu maamuusayey sanad
guuradii 100-laad, ee kasoo wareegtay markii degmo loo aqoonsaday Wajeer.
Waxaana ka qeyb galay damashaadkaas dad fara badan oo iskugu
jiray siyaasiin waxgarad iyo waliba qeybaha kale duwan ee bulshada ku dhaqan
degmadaas 100 sano jirsatay.
Abdullahi Adan, Kansalaha laga soo doortay deegaanka
Lafaley oo ka mid ah mas’uuliyiintii ka qeybgalay dabaaldagaas, ayaa sheegay in
sanadkaan dabaaldagu uu ahaa mid ka hooseeyo sanadihii kale asagoona sheegay in
si weyn aynan dadku oga soo qeyb galin damashaadkaas.
Qaar kale oo kamid ah masuuliyiinta degmada wajeer iyo
deegaanada ku hareereysan ayaa ka hadlay damashadkaas shalay ka dhacay Wajeer
ee ku saabsanaa sanad guuraddii 100 laad ee ka soo wareegtay markii la degmeyay
magalada Wajeer ee ka tirsan Gobalka Soomaalidu ay dagto ee Waqooyi Bari Kenya.
Dhamaadka bisha December ee sanad kasta, ayaa waxaa lagu
qabtaa Magalada Wajeer sanad guuro ku saabsan markii la aas aasay magaladaas
ayadoo sanadkaan gobalka waqooyi bari kenya oo degmada Wajeer ay ka tirsan
tahay ay ka dhaceen falal amaanka lidi ku ah oo ay kamid ahayeen, Qaraxyo iyo
dilal qorsheysnaa oo lagu bartilmaamadeystay askar ka tirsan ciidamada kenya ee
ku sugan waqooyi bari kenya.
Najah
Mohamed Ali
Nairobi-Kenya
Comments
Post a Comment