Warbixin kooban oo ku saabsan Dastuurka Qabyo Qoraalka ee la tashiga dad weynaha iyo waxyabaha uu ka qaban karo dhibka ka jiro Somalia




Dastuurka Qabyo qoraalka la tashiga dad weynaha waa mid hada ku cusub
Bulshada Soomaaliyeed marka laga fiiriyo xiligii uu wadanka Somalia ku jiray dhibaatada iyo dowlada la’aanta oo aynan jirin wax dastuur iyo kala danbeyn ah oo Somalia ka jirtay.
Dadka Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan hada u arko Qabyo Qoraalka Dastuurka La tashiga Dadweynaha, ee hada lagu wado in laga hirgali dalka Somalia Mustaqbalka dhow.

Qaar kamid ah Bulshada ayaa qabo in hada anan loo bahneyn dastuur balse loo baahan yahay
marka hore in la xaqiijiyo Nabada, lagana hormariyo Dastuurka sugida amaanka dalka, halka kuwa kale ay qabaan dastuurku inuu yahay kii kala jideyn lahaa shacabka iyo dhib wadayaasha Somalia ka dagalamayay mudada labtaananka sano ka badneyn.

Fikrado kale oo ay qaban dad qaarkiisa ayaa ah in shacabka Soomaaliyeed aynan u
baahneyn Dastuur oo ay shareecada Islamku ay tahay Dastuurka rasmiga ah, shacabku ay u bahan yihiin iney ku dhaqmaan shareecada, ayna ku dhaqmaan wixii ay fartay, kana haraan wixii ay ka reebtay.

Dhanka kale, dadalada ay wadaan gudiga la tashiga dad weynaha ee magacooda loo soo gabiyo CDC ayey sheegeen iney hada meel wanaagsan ay u mareyso arinta ay wadeen shacabka intooda badan ay bareen dastuurka cusub ee Somalia.

Sidoo kale barnaamijyo ku saabsan fahansiinta dadka, waxa uu yahay dastuurkaan iyo waliba waxyaabaha uu xanbaarsan yahay ayaa maalin kasta laga baahiyaa, qeyb badan oo kamid ah warbaahinta afka Somaliga ku hadasho.

Dowlada KMG ah ee Somalia ayaa iyaduna waxey wadaa Kulamo caalami ah oo ay la yeelaneyso Beesha Caalamka, Quburo ku xeel dheer arimaha dastuurka iyo waliba wadamada daneyo arrimaha Somalia kuwaasoo ku saabsan sidii Somalia looga hirgalin dastuurkaan cusub ayadoona dhibaatada ka jirto wadanka Somalia ay wali tahay mid taagan una muuqato iney maalin kasta waji hor leh la soo baxeyso.

Najah Mohamed Ali
Nairobi-Kenya

Comments