Dhibaatada abaaraha ka jiro Somalia iyo Waxqabadka Hay’adda Camuud Foundation



Abaaraha ku dhuftay dalalka ku yaalo geeska Africa oo uu ugu horeyo wadanka Somalia ayaa hada waxey u muuqdaan kuwa ka sii daraayo ayadoo abaartaasna ay saameysay guud ahaan gayiga Somalia.
Goobaha ugu daran ee abaartu ay halakeysay ayaa waxaa kamid ah gobalada Koonfureed ee dalka Somalia ayadoo gobalada Bay, Bakool, Shabelleeyoonka iyo Jubooyinka oo kamid ah deegaanada ugu wax soo saarka badan dalka Somalia ay hada ka mid yihiin goobaha ugu daran ee abaaruhu ay jilbaha dhigeen.
Intii badan dadkii ku dhaqnaa deegaanadaas ayaa horay oga barakacay ayagoo qaarkood ay ku bara-baxeen gudaha dalka halka kuwa kalana ay tigsadeen Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalo deegaanka Dollow iyo kuwa kale ee ku yaalo xuduuda kala barto wadamada Kenya iyo Somalia.
Dhadhab oo ah Xerada qoxooti ee ugu weyn aduunka ayaa hada waxaa lagu qiyaasay dadka ku jiro iney kor u dhaafayaan 500 oo kun oo qof.
Shaqalaha hay’adda QM u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ay sheegay iney maalin kasta diiwaan galiyaan qaxooti cusub oo ka soo cararo dhibaatada abaaraha ee ka jiro gobalada koofureed ee wadanka Somalia ayadoo gobalka Waqooyi beri dalka Kenya oo ay ku yalaan xerooyinka Dhadhabna ay kamid yihiin meelaha ay abaaruhu saameyeen.
Ururka Camuud Foundation oo xaruntiisa weyn ay ku taalo Magaalada Dhalas ee ka tirsan gobalka Taksis ee wadanka Mareykanka ayaa dhawaan deeqo kala duwan oo taakuleyn ah gaarsiisay dadka ay abaaruhu ku sameyeen Somalia iyo Gobalka Waqooyi bari ee dalka Kenya.
Gudoomiyaha Hay’adda Mohamud Farax Cigaal oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay Bartamaha magaalada Nairobi ayaa ka warbixiyay dhibaatada ay abaaruhu u geysteen dadka ku dhaqan gudaha Somalia asagoona sheegay iney hay’adiisu si wanaagsan u bixisay deeq ay soo direen Soomaalida ku dhaqan Waqooyiga Wadanka Mareykanka.
Balse intii uu socday shirkiisa jaraa’id ayuu ka warbixiyay gudoomiyaha Ururkaas sababta uu u yimid wadankaan Kenya asagoona sheegay in 17, goobood oo lagu quudiyo dadka oo ku yaallo gudaha Somalia iyo Gobalka Waqooyi bare ee dalka Kenya ay hay’adiisu ku shaqeyneysay bilihii la soo dhafay.
Gudoomiyaha Ururka Camuud foundation, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay waxa uu yahay Ururkooda iyo waxyaabaha ay qabtaan ay qabteen mudadii 13-ka sano aheyd ee ay jirtay hay’adda Camuud asagoona sheegay iney gudoonsiiyeen dadka ay abaaruhu saameyeen lacag dhan $ 430,000 oo Dolllar.
Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay jaaliyaddaha dibada iney gar-gaar la soo garaan dadka ay abaaruhu ku dhufteen asagoona balan qaday in hay’addisu ay sii wadi doonto gargaarka ay u fidineyso dadka abaaraha ku hoos nool.
Wadanka Somalia ayaa hada waxaa ka jirto abaaro ba’an taaso saameyn weyn u geysatay dad u badan reer guuraa Xoolo dhaqato ahaa iyo kuwa Beeraley ah, dadkaasoo ay abaartu horay u baaba’isay xoolihii ay dhaqan jireen iyo dalagyadii Beeraha.
Waxeyna abaartu ka dhigtay kuwa ceyr ah oo anan waxba haysanin kuwaaso badankoodu ka soo barakacay meelihii ay horay ogu noolayeen.

Najah Mohamed Ali

Email:- najah.moha@gmail.com Facebook najax.moha@gmail.com or Najah Mohamed Ali

Comments