![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEjTQB01GOi0MGXr29IwXpfG0yGMx_T6VzJsJyYmKDZVU1pst488s9GoVw-f9pSEjx4kk9beUUPQzLh6UUVS5zlMN4UQRkuCPk2h9vfCn0B1Uzb_zLbhNzsSYMUkMGiwXRiNo-DcAJFhZZb_/s320/waxgarad.jpg)
Wadanka Soomaaliya waxa uu kamid yahay wadamada ku yaalo Bariga Qaarada Africa, gaar ahaan kuwa Saxaraha kahooseeyo ee loo yaqaano (sub Sahara Countries).
Sidoo kale Xornimadiisana waxa uu qaatay sanadii 1960 kadib 17 sano oo ay xorimada Soomaaliya udagaalamayeen Ururka SYL oo markii hore ay aas aaseen 13-Dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasoo kumidobay sidii ay Soomaaliya oga xoreyn lahaayeen Ciidamadii Taliyaaniga ee wagaas Soomaaliya xoga ku haystay.
Nabadii soomaaliya
Xiliyadii uu kacaankii Maxamed Siyaad Bare katalinayay Soomaaliya ayaa mar waxaa lagu tilmaamay Wadanka Soomaaliya in uu kamid ahaa wadamada ugu nabada iyo bilicda qurxoon Qaarada Africa.
Waxaana dhici jirtay in Dadka aanan udhalanin Wadanka Soomaaliya ay si nabad ah ugu so tamashlo tagi jireen Xeebaha dagan ee Soomaaliya.
Sidoo kale nabada Wadanka ayaa waxa ay gaartay Wadamo kale oo kuyaalo Qaarada Africa ayadoo Soomaaliya ay u ololeyn jirtay sidii ay xornimada ku qaadan lahaayeen qaar katirsan Wadamada kuyaalo Qaarada Africa, oo xiligaas ku jiray gacanta Guumesiga.
Dadka inta badan daraasada kusameeyo arimaha nabada Soomaaliyo ayaa sheegay in ayba Soomaaliya mar dhex dhexaadisay Wadamo ay xurgufi kadhaxeeysay kuwaasoo maanta guranaayo mirii nabada ay Soomaaliya usoo hoyisay, sikastaba ha ahaatee inta badan Murtiyahaniinta Soomaaliyeed waxey dareenkooda ku cabiraan nabada, waxey katiriyen heeso iskugu jiro micnaha nabada ay leedahay iyo Baraarujin, waxaana kamid ah sida (nabadeey macaaney neecow udgooney) iyo (hadii nabad lawaayana nacab igama libin helo naxariisna uma galo) oo kahadleyso ilaalinta iyo jirtaanka nabada Soomaaliya.
Wixii kadanbeyay sanadii 1990 ayaa waxaa ay karkaarka weydaariyeen Jamhadihii hubeysnaa ee ka aas aasmay gayiga Soomaaliya Xukumadii katalineysay Soomaaliya mudada 21 sano aheyd ee lamagac baxday (Kacaankii 21-october) ee uu hogaaminaayay Alle ha u naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare, taasoo uhorseeday Soomaaliya in ay kamid noqoto Dalalka aanan lasoo hadal qaadin ee Aduunka ugu dhibka badan.
Dhinaca kale Ujeedada Jamhadahaas afgambiga sameeyay oo aanan ku mideysneyn hal siyaasad oo ay dib ugu soo celin karaan nabadii meesha ka baxday ayaa waxa ay horseeday in Wadanka Soomaaliya uu nabad la’aan ahaado mudo kabadan 18 sano, ayadoo heshiisyo kala duwan logu qabtay meelo Soomaaliya kabaxsan madax Beeledyo Siyaasada Soomaaliya kusoo biiray kadib markii ay meesha kabaxday xukumadii hore soomaaliya, lona bixiyay Hogaamiye kooxedyo,
Kuwaaso inta badan lagu tuhuumo in ay kutuureen nabadii Soomaaliya meesha ay maanta taalo.
Ugu danbeyntii inkastoo Shacbiga Soomaaliyeed ay kadaaleen Colaada Dalkooda ka hureyso hadana waxa qaar katirsan
Wadamada dariska ah loogu qabtay shirar loga gol lahaa in lagu damiyo xasarada hada soomaaliya ka ogan.
Shirkii ugu danbeyay ayaa waxaa lagu soo gaban gabeeyay wadanka Jabuuti 09-06-08 inkastoo unan dhamaanin.
Waxaana taagersan Gogashaan nabadeed ee Jabuuti hada taalo Qaramada Midoobay iyo qaar kamid ah Dowladaha waaweeyn.
Sidoo kale dadka samaha jecel ee soomaaliyeed ayaa waxa ay qabaan hadii guud ahaan dhinacyada is qilaafsan ay ku heshiiyaan shirkaan in xaalda soomaaliya ay noqon doontaa mid dhaanto sida ay hada tahay.
Qofkastoo Soomaali ahna hada waxa uu maanka ku hayaa Murtida biya dhaceedu uu yahay "Nabad baa naas la nuugo leh".
Najah Mohamed Ali
Nairobi-Kenya
Faafin: SomaliTalk.com | July 23, 2008
Comments
Post a Comment