![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEgHDr6Y5_4SIqxh1PlWVMy9teey3JQzCsFOPwt9JPuFF33_VYEWYx94wViRk0YzgMwiH1n90j11_GfM_d3qt12Wvj7x-GQ0mh1tEVje2PK554zzCNxq9DjAxqA-cOkwIIYnQdKnquJSBsvx/s320/aniga.jpg)
Hayadaan oo uu fadhigeedu yahay magaaladaan Nairobi ayaa waxa ay shir jaraa’ido oo ay caawa ku qabteen Hotelka Karmal ee ku yaalo isgooyska 11 ee xaafada isli kasoo saareen baaqaan hoos ku yaalo ayadoo ayna halkaas ka hadleen qaar katirsan masuuliyiinta ugu sareeyso hayada oo uu kamid ahaa Gudoomiyaha guud ee Hayada Maxamed Jimcaale Cali.
Baaqa ay Caawa soo saartay Hayadaan ayaa waxa uu intiisa badan ku wajihan yahay sidii loo sii amba qaadi lahaa arimaha nabada ee ay hada wadaan qaar katirsan madaxda siyaada Somaaliya hormuudka ka ah, Qaramada midoobay iyo qaar kamid ah wadamada soomaaliya ladiriska ah ee ay Jabuuti ugu horeyso.
Hadaba ayadoo uu kusoo begmay baaqaani saacado un kadib markii ay gacanta ugashay Magaala xeebeedka u ah caasimada gobalka Jubada hoose ee Kismaayo xoogaga ku kacsan dowlada soomaaliya ee hada ay awoodoodu isisoo tareyso kuna abtirsado Midowgii maxaakimta Islaamka ayaa waxa uu uqoran yahay baaqu sidatan.
peace action society organization for somalia (PASOS)
Baaq
Baaq
2:- Hay'adu waxay si buuxda u taageeraysaa Heshiiska ay Dawlada Somalia iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta Soomaaliya ay kuwada Gaareen Magaalada Jabuuti ee Dalaka Jabuuti.
3:-Sidoo kale waxay hay'adu Taageero iyo Mahadcelin u jeedinaysaa dhammaan inta gacanta ka gaysatay heshiiskaasi,oo ay ugu horrayso Qaramada Midoobay,Dawlada aanu walaalaha nahay ee jabuuti iyo Beesha caalamka sida hagar la'aanta ah ee ay u garab istaageen Qabsoomida heshiiskaasi.
4:- Hay'adu waxaay baaq ku aadan joojinta dagaalada Magaalada Kismaayo u jeedinaysaa Kooxaha halkaasi ku dagaalamaya,iyadoo ugu baaqaysa in arrinta dagaaladaasi loo baddalo wadda haddal ayna ka qayb qaataan waxgaradka iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada halkaasi ku dhaqan si loo badbaadiyo noloshha shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanadaasi.
5:- Hay'adu waxay cambaaraynaysaa falalka xad gudubka ah ee ay ciidamada Ethiopa ka wadaan gudaha dalka soomaaliya,taasoo wiiqaysa Hirgalinta qoddobada heshiiska Jabuuti.
6:- Hay'adu waxay ugu baaqaysaa Hay'adaha deeq bixiya,Maalqabeenada Soomaaliyeed,iyo dhammaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee ku kala nool Waddamada Caalamka inay kaalmo u fidiyaan Shacabka soomaaliyeed ee ku barakacay Dagaalada ka soconaya Soomaaliya.
7:- Ugu danbayntii waxay hay'adu ugu baaqaysaa Dhamman kooxaha isku haya siyaasada soomaaliya iyo dhammaan shacabka soomaaliyeed inay u guntadaan Hirgalinat Heshiiska Lagu gaaray Dalka jabuuti,kaasoo waddada u xaaraya Nabad iyo Is afgarad ka dhaca Waddanka soomaaliya oo dhan.
Faafin: SomaliTalk.com | August 23, 2008
Comments
Post a Comment