
Najah Mohamed Ali
Alla ha unaxariistee Wariye Saciid Tahliil Axmed oo ahaa Agaasimihii Idaacada Horn Afrik ayey kooxo hubeysan maanta ku dilen gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalad Muqdhisho.
Wuxuuna kamid ahaa wariyahaas la dilay, maamulka idaacada iyo TV, madaxa banaan ee Horn Afrik asagoona sidoo kale kamid ahaa Saxafiyiinta caanka ka ah gudaha Dalka Soomaaliya, waxuuna ka shaqeyay qaar kamid ah Idaacada madaxa banaan ee ku yaalay magaalada Muqdhisho Asagoona hada ahaa Agaasimaha Idaacada Horn Afrik.
Sidoo kale Saciid Tahliil Axmed waxaa uu kasoo shaqeyay idaacadii STN, balse waxuu usoo wareegay Idaacada uu hada ka ahaa Agaasimaha ee Hoon Afrik.
Dadka yaqaano Marxuum Saciid ALLE ha u naxariistee, waxey ku xasuustaan Barnaamijyadii Dooda ahaa ee kabixi jiray Idaacada Horn Afrik sida kulanka Jimcaha ama hadal haynta Jimcaha oo ahaa Barnaamij aad loo xiseeyo oo kasoo gali jiray Idaacada Horn Afrika Barqanimada Maalin kasto oo Jimca ah. Sidoo kale Dood wadaaga, oo asna ka bixi jiray Idaacada iyo TV-ga horn afrik, waxuuna ahaa Saxafi inta badan Dood ka sameeyo Barnaamijyad ay Dadku xiseynayaan, waxuuna dood uqaban jiray Shaqsiyaadka Magaca ku dhex leh bulshada, sida Siyaasiyinta, Culumada, Ganacsatad, iyo dhamaan qeybaha bulshada ee ay markaasi doodu quseyso.
Doodihiisii ugu danbeyay ee uu qabtay Marxuum Saciid Tahliil waxaa kamid ahaa Dood uu kasameyay Doorashadii dhawaan loo doortay Sheekh Shariif Sheekh Axmed in uu noqdo Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.
Rabi naxariistii Janada aheyd ha ka waraabiyee Saciid Tahliil Axmed ayaa saacadu Markey aheyd wax yar un kadib Sideedii iyo barkii duhurnimo ay kooxo ku hubeysan Bastoolado ku toogteen agagaarka Shirkada xawaalada Dahabshiil xarunteeda Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Falkaas guracan kadib waxaa goobtii uu dilku ka dhacay ka baxsaday kooxihii Gacanku dhiglayaasha ahaa ee dilay wariye Marxuum Saciid Tahliil Axmed.
Najah Mohamed Ali
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2009
Comments
Post a Comment